RW ku-xigeenka Somalia oo Sacuudiga kula kulmay Abdulrahman Bin Abdul-Mohsen (Sawirro)

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehliyaan wasiirrada Maaliyadda iyo xannaanada xoolaha ayaa dalka Sucuudiga kula kulmay wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha boqortooyada Sucuudiga, Eng. Abdulrahman bin Abdulmohsen.

Kulanka ay yeesheen wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha boqortooyada Sucuudiga ayaa looga hadlay qorshaha xoolaha Soomaaliya loogu iib-gaynayo suuqyada dalka Sucuudiga.

Ra’iisul Wasaar ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadaer), iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray dalka Saudi Arabia oo ka mid ah dalalka xariirka walaaltinnimo ee soo jireenka ah uu kala dhexeeyo Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -